Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trumpayaa sheegay in uu kala hadlay dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin suurtogalnimada cunaqabateyn hor leh oo uu ku soo rogo haddii uu sii wado dalgaalka uu ku hayo Ukraine.
Isagoo wariyeyaasha kula hadlayey gudaha diyaaradda madaxweynaha qaadda, xilli uu safar ahaa, ayuu carrabka ku dhuftay wadahadal Khadka telefoonka ku dhex maray isaga iyo Putin, wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in uu Ruushka aad ugu adadag yahay arka la barbar dhigo dalalka kale ee dunida oo Iran ka mid tahay.
“Illaa hadda (aniga iyo Putin) waxan leennahay isfaham wanaagsan, wuxuuna si wacan ula socdaa suurtogalnimada cunaqabateyn lagu soo rogo,” ayuu yiri Trump oo ka hadlayey farriinta uu la wadaagey Madaxweyne Putin oo u uku tilmaamay “khabiir”.
Donald Trump ayaa in dhaweydba la kulmayey dhaleecayn ku aaddan in uu aad ugu nugul yahay Vladamir Putin, wuxuuna u muuqdaa in dalqaadku ka sii idlaanayo.
Xigashada Sawirka, AFP
Madaxweynaha Mareykanka ayaa ka baaraandegaya in uu cunaqabteyn cusub saaro Ruushka, ka dib markii uu ka niyad jabay wadahadallo uu dhawaan la yeeshay Putin oo weli ku foogan dagaal qaraar oo uu kula jiro Ukraine.
“Aad ayaan uga niyad jabay wadahadalladii aan la yeeshay Madaxweyne Putin. Wuxuu rabaa in uu dagaalka ku fogaado, islamarkaana uu sii wado dilka dad intaan ka badan, taasina waa wax aan la aqbali karin,” ayuu yiri Trump oo ka hadlayey wadahadal natiijo la’aan ku dhammaaday oo labada nin dhex maray 3-dii Luulyo.
Trump ayaa intaas ku daray in ay wadahadalkaas sidoo kale iskula soo qaadeen arrimo dhowr ah oo ay ku jirto xiisadda bariga Dhexe, gaar ahaan Iran.
Madaxweyne Trump ayaa sheegay in dhanka kale uu arrinta Ukraine kala hadlay ra’isul Wasaaraha jarmalka Merz about oo ay isla soo qaadeen codsi uga yimid Ukraine, kaas oo ay ku dalbaneyso gantaallaha lidka gantaallaha ee Patriot, kaas oo sida uu sheegay ay isku afgarteen in dhawaan loo daabulo Ukraine.
Ka dib wadahadalkii Putin, Trump wuxuu la hadlay Madaxweyne Zelensky afartii bisha Luulyo, wallow aan la shaacin waxa ay ka wada hadleen.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Wakaaladda Wararka Mareykanka ee Axios oo soo xiganeysa ilo aan la magac-dhabin ayaa warisey in Trump uu muddo 40 daqiiqo ah khadka telefoonka kula hadlayey dhiggiisa Ukraine Volodymyr Zelensky, kaas oo ay isla soo qaadeen nuuca hubka Mareykanku uu u dirayo dalkaas.
Zelensky oo goor dambe warbaahinta la hadlay ayaa tibaaxay in madaxweyne Trump uu ogolaaday in la abaabulo shir labo geesood ah oo lagu lafoguro sidii loo xoojin lahaa hannaanka difaaca cirka Ukraine.
“Waxaan yeelannay wada-xaajood qotodheer oo ku aadden iskaashi labo geesood ah oo lagu soo saarayo nuucyada hubka ee labadeenna dalba u baahan yahiin.”
Ruushka ayaa sii ambaqaaday weerarrada dhanka cirka ah ee uu ku beegsanayo gudaha Ukraine, ku waas oo ay fulinayeen diyaaradah duuliyaha aan lahayn, wax yar ka dib markii uu soo gabagaboobay wadahadalkii dhex maray madaxweyneyaasha Mareykanka iyo Ruushka.